News

Madaxweyne Farmaajo waxaa Naga go’an Dhismaha Ciidamada Xoogga Dalka.

Madaxweyne Farmaajo ahna taliyaha guud ee ciidamada Xoogga Dalka ayaa la sheegay in shaqo maalmeedkiisa ugu badan uu ku bixiyo la joogista iyo la socodka xaaladda ciidamada dowladda soomalia wuxuuna maalintii badankeed uu ku suganyahay xarunta wasaaradda gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa todobaadkiiba dhowr maalin taga xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, si uu ugu kuur galo howlaha Wasaaradda iyo arrimaha ciidamada oo dib u habeyn ku socoto.

Madaxweynaha wuxuu si joogta ah ula kulmaa saraakiisha ciidamada isagoo ka xog wareysta xaaladda ciidamada iyo dhismahooda.