Madaxweyne Faroole oo sheegay inay wada shaqeyn la yeelan doonaan dowlada dhawaan loo dhisayo Soomaaliya
April 30, 2011 // admin // News
Boosaaso (AB):-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa markii ugu horeysay ku eedeeyay madaxda Dowlada KMG ah qaarkood inay ku lug leeyihiin amni darada ka jira meelo ka mid ah dhulka puntland sida Gaalkacyo.
Madaxweynaha oo wariyayaasha kula hadlaayay magaalada Boosaaso ayaa daboolka ka qaaday inay la socdaan xubno ka tirsan Dowlada KMG ah inay ka shaqeeyaan amni darada puntland isagoo tusaale u soo qaatay inay iyaga soo abaabuleen ururka la magac baxay SSC oo sida uu madaxweynuhu sheegay laga soo hagay dhanka dowlada.
“jabhada SSC inkastoo hada ay iska baaba’day hadana waad ogtihiin waxaa uu ahaa urur ka shaqeynayay amni darada inta badan shirar joogto iyo wada shaqeynba la lahaa dowlada KMG ah ” ayuu yiri Faroole.
Madaxweyne Dowlada Puntland waxaa uu ugu baaqay Baarlamaanka Soomaaliya inuu soo dedejiyo meel marinta heshiiskii 12-13-kii bishaan april ka dhacay magaalada Nayroobi kaasoo dhigayay in agoosto ka hor la doorto madaxweyne iyo gudoomiye Baarlamaan.
Madaxweyne faroole waxaa uu balan qaaday inay wada shaqeyn la yeelan doonaan dowlada cusub ee Soomaaliya loo dhisayo ka hor bisha agoosto wuxuuna muujiyay rajada uu ka qabo in agosto ka hor dowlada cusub la doorto.


