digg icon delicious icon

Madaxweyne Faroole oo u hanbalyeeyay shacabka Soomaaliyeed

August 30, 2011   //     //   News

Garoowe(AB):- Madaxweynaha Dowlada Puntland C/raxmaan Sh.Maxamed faroole ayaa saaka shacabka Garoowe kala qeybgalay tukashada salaada Ciida.

Salaada ayaa saaka lagu oogay barxada iskuulka Mire Awaare ee Magaalada Garoowe halkaasoo ay isugu yimaadeen kumanaan dadweyne ah kuwaasoo salaada kadib isugu hanbaleynayay munaasabda ciuidul fidriga.

Madaxweyne Faroole ayaa munaasabada Ciida darteed u hanbalyeeyay shacabka Soomaaliyeed kasta oo ay joogaan gaar ahaan kuwa Puntland.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed ciidaan ciida kale inay nabad,horumar iyo barwaaqo ku gaaraan.

Meelo badan oo ka mid ah degmooyinka Puntland ayaa saaka lagu oogay salaada ciida meelahaasoo ay mas’uuliyiinta Dowlada Puntland ay ka qeybgaleen.

Xafiiska Garoowe
allburtinle.com
 

Readers Comments (0)