News

Madaxweyne Faroole oo Wiilkiisa u magacaabay Agaasimaha guud ee macdana iyo shidaalka Puntland

Garoowe (AB):-Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Dowlada Puntland C/raxmaan Faroole ayaa lagu magacaabay Agaasimaha Macdanta iyo Shidaalka Puntland isagoo u magacaabay wiilkiisa lagu magacaabo  Khadar C/raxmaan Maxamed Faroole.

Wareegtada oo soo baxday 23-kii bishaan ayaan si rasmi ah saxaafada loo siin waxaana mar danbe warbaahintu heshay nuqul ka mid ah wareegtadii lagu magacaabay wiilka Madaxweynaha iyo isaga oo ku sugan Dalka Mareykanka halkaasna shirar uga qeybgalaya.

Khadar C/raxmaan Faroole waxaa la sheegaa inuu yahay wiilka ugu yar Caruurta Madaxweynaha waxaana ka weyn Maxamed C/raxmaan Faroole oo isagu hore siyaasada ugu dhex jirey islamarkaana ah la taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Warbaahinta.

Wareegtada Madaxweynaha waxaa lagu cadeeyay in aqoonta uu leeyahay wiilkaasi iyo baahida xilkaasi puntland u qabto darteed ay soo dedejisay in xilkaasi loo dhiibo.

Xafiiska Garoowe
allburtinle.com
allburtinle@hotmail.com