News

Madaxweyne Gaas Ma Jiri Doono Muddo kororsi Doorashadda Puntland waxay dhacaysaa 08/01/2019

Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiwali maxamed Cali Gaas ayaa sheegay waraysi uu siiyey warbaahinta ayaa sheegay in doorshadda Puntland ay dhici doonto xiligii loogu talo galay oo ah 08/01/2019. Madaxweyne Gaas ayaa meesha ka saaray inuu jiro muddo kororsi kaasoo xukuumaddiisu samayn doonto, ayaa sheegay inaysan Gabi ahaanba aysan Jirin wax Muddo Kororsi ah,

Waxaa Maalmihii ugu danbeeyey laga hadal hayey muddo kororsi ay damacsan tahay xukuumadda madaxweyne Gaas, tasoo ahayd arin siyaasiyiinta iyo shacabku ay aad u hadal hayeen, hadalka madaxweyne gaas ayaa meesha ka saaraya tuhunkii ahaa in dawladda samaysan doonto Muddo kororsi, balse hadalka madaxweynaha ayaa gabi ahaanba meesha ka saaraya tuhunkaas,

Mar madaxweyne Gaas la waydiiyey inuu yahay musharax ayaa sheegay inuu marka xiligaas la gaaro uu ka jawaabi doono, i