News

Madaxweyne Gaas Heshiiska Gal-mudug iyo Ahlusuna wuxuu dib u soo noolaynaya dawladnimadda soomaaliya iyo Hanaan fadaraalka,

waxaa magaaladda moqdishu ka dhacay xaflad lagu kala saxiinayey heshiiskii dhex maray maammuladda galmudug iyo Ahlu Suna, xafladda waxaa ka soo qayb galay, Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Gudoomiyaha baarlamaanka fadaraalka, madaxweyne yaasha Jubaland, iyo koonfur Galbeed, si ay goob joog uga noqdaan heshiiska labada maamul,

madaxweynaha dawladda Puntland mudane cabdiwali maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in heshiiska Gal-mudug iyo ahlusuna ahaa mid aad loogu baahnaa horseedna u noqon kara kor u qaadida hanaanka fadaraalka soomaaliya, iyo dawladnimadda soomaaliya, wuxuu madaxweyne Gaas intaas ku daray, la isku tanaasulo lagana wada shaqeeyo midnimadda umaddda soomaaliya,

maamuladda ahlusuna iyo Gal-mudug ayaa waxaa ka dhex taagnaa khilaaf aaad u ba’naa kaasoo ugu danbayntii isku badalay dagaalo ku dhexmaray magaaladda cabudwaaq iyo balanbale,