News

Madaxweyne Gaas oo Hambalyo ku aadan 26 June u diray Shacabka Soomaaliyeed

Waxaan maanta oo ah 26 june 2018 aan rabaa in aan halkaan hambalyo uga diro dad weynaha Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan, gaar ahaan shacab weynaha gobolada Waqooyiga Soomaaliya oo ah maalintii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed laga taago gayiga Soomaaliyeed oo maanta ay kasoo wareegtay 58 sano, calankaas oo loosoo maray dhib badan, xoriyadaas oo qarniyaal iyo sanado tira badan ummada Soomaaliyeed ay u hurtay dhiig iyo dhacaan in ay noqdaan dal xor ah, xoriyad taama hela aayohooda ka tashada, waxaan u dirayaa hambalyo dadkaas meel kasta oo ay joogaan, waxaa larabaa in aan is xasuusino calanka maalintaas lataagay waxa uu ahaa calanka baluuga ah ee cirka u eg, dhexda xidigta cad ee shanta geesood leh ku leh, ma ahayn calan kale kaas ayuu ahaa waxaan rabnaa inaan dadka u sheegno kuna baraarujino,” sidaas waxaa yir Madaxweyne Gaas.