digg icon delicious icon

Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisulwasaaraha Itoobiya oo kulan ku yeeshay Magaalada Adis ababa.

September 30, 2010   //     //   News

Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya oo iminka ku sugan Magaalada Adis-ababa ee Dalka Itoobiya ayaa kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Miles Zinawi iyagoo ka wada hadlay arimaha Soomaaliya.

Zinawi ayaa la sheegay inuu Madaxweyne shariif u sheegay inay diyaar u yihiin wax ka qabashada xaalada amaan xumo ee Soomaaliya ka sii socda islamarkaana ay macquul tahay inay ciidamo ku soo biirayaan kuwa Midowga Afrika ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wararka kulankaasi laga helay ayaa sheegay in Ra’iisulwasaare Zinawi uu Madaxweyne shariif ka codsaday inuu degdeg u soo magacaabo Ra’iisulwasaare cusub oo badala ra’iisulwasaarihii is casilay.

Sidoo kale waxay labada mas’uul ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhanka amaanka ee badiyaab aka dhex jira labada dal tan iyo markii 2004-tii la soo dhisay Dowladii C/laahi Yuusuf madaxweynaha ka ahaa ilaa iyo hadda oo shariif Sh.Axmed uu madaxweyne yahay.

Madaxweyne Shariif ayaa la sheegay inuu  u balan qaaday Zinawi sidii uu deg deg ugu  soo magacaabi lahaa  ra’iiuslwasaare xaalada adag ee lagu jiro wax qaban kara.

Madaxweynaha waxaa uu ka soo qeybglay shirkii Qaramada Midoobey ee New Yor,kii Madrid ee ay lahaayeen Kooxda Xiriirka Soomaaliya waxaana lagu wadaa inuu Muqdisho ku soo laabto saacadaha soo socda.

Inta badan Dowladaha Soomaaliya loo dhisay tan iyo wixii ka danbeeyay Dowladii Milatariga ee dhacday 20 sano ka hor waxaa lagu xantaa Dowladihii kumeel gaarka ah ee dalka soo maray inay magacaabista ra’iiulwasaaraha kaga shidaa qaataan Dowlada Itoobiya gaar ahaan Ra’iisulwasaaraha xiligaan xilka haya.

allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho

Readers Comments (0)