digg icon delicious icon

Madaxweyne Shariif oo maanta booqday aagaga dagaal ee degmada boondheere +SAWIRO

April 30, 2011   //     //   News

Muqdisho (AB):-Madaxweynaha Dowlada KMG ah Soomaaliya shariif Sh.Axmed iyo saraakiil la socotay ayaa maanta mar kale booqday aagag dagaal oo magaalada Muqdisho ka tirsan .

aagaga dagaal ee degmada Boondheere ayuu booqday madaxweyne shariif oo sidoo kale ay la socdeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Amisom kuwaasoo soo tusyay qaar ka mid ah aagag hore ee ciidamada Dowlada iyo kuwa Midowga Afrika ay difaaca kaga jiraan.

Waxaa la arkayay madaxweynaha oo xiren dareyska ciidamada sida horeba looga bartay marka uu tagato aagaga dagaal ee Magaalada Muqdisho islamarkaana ay garbihiisa socdeen saraakiil amiso iyo kuwa Dowlada KMG ah ka tirsan.

Madaxweynaha ayaa mar uu la hadlayay ciidamada waxaa uu u sheegay in looga fadhiyo sidii ay adkeysi u muujin lahaayeen islamarkaana u sii wadi lahaayeen dagaalada ay kala horjeedaan xarakada Alshabaab.

“shabaab way sii tabar dhigayaan waa inaad wadaan dagaalada”ayuu yiri madaxweyne shariif oo aan wax weerar ah maanta kala kulmin alshabaab sida dhawaan dhacday oo kale markaasoo madaxweynuhu ku mashquulsanaa booqashada aagaga hore.

Booqashada ayaa ku soo aadeysa xili khamiistii sidaan oo kale uu madaxweynuhu u booqday aagaga dagaal ee wadada warshadaha gaar ahaan dhismaha wasaarada gaashaandhiga halkaasoo ay ku jiraan ciidamo amisom ka tirsan.

Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com

 

Readers Comments (0)