digg icon delicious icon

Madaxweyne shariif oo maanta madaxtooyada ku qaabilay madaxa guud ee hayada UNHCR

August 31, 2011   //     //   News

Mudisho (AB):-Warasaaxafadeed laga soo saaray xafiiska madaxweynaha Dowlada KMG ah Soomaaliya Shariif Sh.Axmed ayaa lagu qeexay shir maanta dhexmaray madaxweynaha iyo madaxa guud ee hayada UNHCR António Guterres.
Wasaxaafadeedka ayaa sidaan u qornaa:

(Muqdisho, Soomaliya,31,Agoosto ,2011) Madaxweynaha Jamhuriyada Soomaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilyay wafuud uu hogaaminyayo madaxa guud ee hayada UNHCR Mudane António Guterres. Madaxa UNHCR António Guterres ayaa sheegtay in booqashadiisha magaalada Muqdisho ay tahay mid uu ku muujinayo taageeradiisa uu la garab tagan yahay shacabka iyo dowlada Soomaliya. António Guterres ayaa sheegay in wakiilkiisa jooga Nairobi uu u soo rarayso magaalada Muqdisho maadaama ay muhiim tahay in hayadaha gar-gaarka ah ay si toos ah ula shaqeeyaan dowlada,

Sidoo kale mudane António ayaa sheegay in UNHCR ay ku taageerayso qibrateeda dowlada Soomaliya si loo caawiyo dadka barakacayaasha ah ee jooga wadanka gudihiisa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga hortagaa wax-yaabaha keenaya in ay dadku barakacaan si loo helo xal waara. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa u sheegay madaxa UNHCR in loo baahanyahay barnaamijyo ka shaqeeya mustaqbalka barakacayaasha

“Waa inaan laga fakarin oo kaliya dhibka (macaluusha) hada taagan, balse laga fakaraa mustaqbalka barakacayaasha, dib-u dagin tooda, horumarkooda iyo hanaanka nabada iyo dowladnimoda si loo cirib-tiro macaluusha iyo dhibaatada aan dhamaadka lahayn” ayuu yiri Madxweynahu.

Madaxweyne Sharif ayaa sheegay in hayado iyo ururo badan ay wada shaqaynta ka soo hor jeedaan maadaama aysan rabin in lala xisaabtamo, laakin waxaa muhiin ah in xisaabtan uu dhaco si shacbka dhibaataysan ay u helaan wixii loogu talagalay.

Suldan A. Farahseed
Xafiiska Madaxweynaha
Moqdishu, Somalia
 

Readers Comments (0)