Madaxweyne Shariif oo Maanta Muqdisho ku soo laabtay, eedeyna ba'ana u soo jeediyay Xarakada Alshabaab
July 31, 2010 // admin // NewsMuqdisho (AB):-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sh.Axmed ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho iyagoo ka soo dhoofay magaalada Nayroobi.
Madaxweyne shariif oo ka soo qeybgalay shir madaxeedkii Midowga Afrika ee ku qabsoomay Magaalada Kambaala ayaa saxaafada kula hadlay markii uu gaaray xafiiskiisa Madaxtooyada isagoo ka war baxshay safarkiisa.
Madaxweynaha oo rajo xumo ka muujiyay in wali shacabka soomaaliyeed helin Dowlad ka saarta kala danbeyn la’aanta iyo dagaalada aan dhamaadka lahayn ayaa carabka ku dhuftay in dowladiisu diyaar u tahay inay wax badan ka qabato xaalada murugsan ee dalku maanta marayo.
Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo dowladiisa dagaal adag kula jirta ayuu ku eedeeyay inay wakiil uga yihiin Soomaaliya ururka Alqaacida,waxaa uu si weyn ugu eedeeyay xarakada Mujaahidiinta Alshabaab inay dhibaato ku hayaan shacabka soomaaliyeed.
“kooxda alshabaab waxay Soomaaliya wakiil uga yihiin Alqaacida kuwaasoo isku bahaystay dhibaateynta shacabka soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Shariif
Waxaa kale uu sheegay Madaxweynuhu in dagaalyahanada Alqaacida ay yihiin rag dalalkoodii danbiyo ka soo galay” ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo intaasi ku daray in Xarakada Alshabaab ay baneysteen dhiiga shacabka soomaaliyeed
Si kastaba eedeynta Madaxweynaha aaney wali ka hadlin saraakiisha Xarakada Mujaahidiinta Ashabaab
Dhanka kale Mar uu la hadlayay baarlamaanka Soomaaliyeed ayuu kula taliyay inay mideeyaan aragtidooda islamarkaana ay ogaadaan in dowlad ay iyaga u yihiin kuwii sixi lahaa.
allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho


