digg icon delicious icon

Madaxweyne Shariif oo Munaasabada ciida u hanbalyeeyay shacabka Soomaaliyeed

August 30, 2011   //     //   News

Muqdisho (AB):Madaxweynaha Dowlada KMG ah Soomaaliya Shariif Sh.Axmed ayaa maanta u hanbalyeeyay dhamaan shucuubta Soomaaliyeed maalinta ciida darteed.

Madaxeynaha oo hadalo kooban ka jeediyay masaajid ku dhexyaal Madaxtooyada ayaa maalinta u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed inay ciidaan teeda kale nabad ku gaaraan.

Mar uu soo hadal qaaday arimaha Siyaasada ayuu sheegay in ciidaan ka duwan tahay ciidihii hore isagoo xusay inay ku soo aaday xili Magaalada Muqdisho ay ka saareen xarakada Alshabaab sida uu sheegay.

Shariif ayaa tilmaamay in ciidaani tahay mid kaga duwan tii hore mar hadii ay Ciidamada Dowlada iyo kuwa amisom ku guuleysteen inay magaalada Muqdisho inteeda badan isku fidiyeen.

“sanadkaani kiisa kale shacabkeena waxaan u rajenaa nabad iyo barqaaqo “ayuu yiri Madaxweyne shariif

Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com

Readers Comments (0)