Madaxweyne shariif oo sheegay in gudoonka Baarlamaanka aanu awood u lahayn inuu ku soo celiyo warqadii uu dhawaan ku celiyay
February 28, 2011 // admin // NewsMuqdisho (AB):-Madaxweyne shariif oo xanaaq badan uu ka muuqday ayaa maanta la shirey xubno ka tirsan Xildhibaanada Soomaaliyeed waxaana uu kala hadlayay hada dhawaan ka soo baxay Gudoonka baarlamaanka kaasoo ku gacan sayray inuu ka soo jawaabo warqadii Madaxweynaha direy ee ahay inay xildhibaanadu ka laabtaan waqti kordhinta ay sameysteen.
Madaxwenaha Dowlada KMG ah Shariif Sh.Axmed ayaa si caro leh ugu yiri Xildhibaanada waa inaad go’aan cad ka qaadataan warka gudoonka islamarkaan xildhibaanadiina ka soo jawaabtaan warqadii aan soo qorey.
“gudoonka baarlamaanka ma diidi karo qoraalkii aan dhawaan dib ugu celiyay,adinka waa inaad shir qaadataan kana soo jawabataan”ayuu yiri Madaxweyne shariif oo ku celceliyay inay sharci iyo adoowna mid u haysan gudoonka inay ka hor imaadaan qoraalkiisa.
Shariif Sh.Axmed waxaa uu ku celiyay baaqiisii ahaa inay ka fiirsadaan xildhibaanadu mudo kordhintoodii sedexda sano ahayd taasoo beesha caalamka u cuntami waysay islamarkaana cabasho badan ay ka timid.
“Baarlamaanku ha ku ekaato howlaha uu u xilsaaran yahay maaha inay faraha la soo galaan shaqo aan iyaga u oolin awoodna u lahayn inay ka hadlaan ama go’aan ka gaaraan”ayuu mar kale yiri Madaxweyne shariif
Mar uu ka hadlayay khilaafaadka soo kala dhexgalay isaga iyo gudoonka ayuu sheegay inay ka faa’iideysan karaan dhinacyada iyaga ka soo horjeeda isagoo tilmaamay inay xiliyadii la soo dhaafay si fiican uga faa’iideyesteen dhulal balaaerana ay ku qabsadeen.
Madaxweynaha waxaa uu ka digay in hada mar kale Xoogaga Xarakada Alshabaab ay ka faa’iideystaan Khilaafka u dhexeeya Dowlada waxaana uu ku baaqay in laga fiirsado waxyaabaha khilaafaadka keenikara.
Warka madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xili shirkii maanta ay yeesheen Xildhibaanada uu ka sheegay Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka inaaney ka laabaneyn go’aankoodii ay waqtiga ku kororsadeen islamarkaana aaney madaxweynaha iyo xukuumada midkoodna awood u lahayn inay ka hadlaan arimahaasi.
Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com


