Articles, News

Madaxweyne Sheekh Axmed Madoobe oo Maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho(DAAWO SAWIRADA)

Muqdisho(PV):-Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdishow waxaa maanta ka soo degay wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Maamulka Juba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) kaasoo ka soo kicitima magaalada Kismaayo.

Wasiiro badan oo ka tirsan kuwa dowlada Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga,Wasiirka Warfaafinta,kan garsoorka iyo duqa Muqdisho ayaa si weyn u soo dhaweeyay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo wafdigiisa.

Madaxweyne Sheekh Axmed Madoobe oo saxaafada kula hadlay Garoonka ayaa u sheegay inuu u yimid si loo dhameystiro ama loo anba qaado heshiiskii uu dhawaan la galay Dowlada Soomaaliya.

“waxaan joogi doonaa Magaalada Muqdisho labo asbuuc waad ogtihiin waxaa la xaliyay khilaafkii jubooyinka ka taagnaa”ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe.

Sidoo kale Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga C/kariin Xuseen Guuleed oo isna saxaafada la hadlay ayaa sheegay in imaanshiyahba Axmed Madoobe ee Muqdisho laga qaadan karo in la xaliyay is marin waagii ka jirey arimaha jubooyinka.

Xafiiska Muqdisho
puntlandvoice.com