News

Madaxweyne xigeenka Puntland “Cambaareyn danbe way dhamaatay Puntland xoog ayay ku soo ceshan doontaa dhulka kaga maqan dhanka Somaliland.

Dowlada Puntland ayaa si rasmi ah u sheegytay inaaney mar danbe Puntland ka gor gortan iyo hadal ka geli doonin dhulka ka maqan balse ay awood ku soo ceshan doonto.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa munaasabada 26-ka june ee maanta lagu qabtay Garowe ku soo hadal qaaday dhulalka ay Somaliland ka heysato sida uu sheegay Puntland waxaana uu xusay inay Puntland talaabo qaadi doonto.

“sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan ku soo ceshandoonaa deegaanada naga maqan ee kuyaala gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Camey

Wuxuu ku celceliyay in xadgudubka Somaliland aysan mar danbe canbaareyn doonin balse ay talabo qaadi doonaan islamarkaana sida ugu dhow u soo ceshan doonaan dhulka ka maqan.

“waxaan fulineynaa balanqaadii Madaxweynaha Puntland markii la dooranayay kaasoo ah inaan duco lagu qabsan dhulka Puntland ka maqan islamarkaana aan duco lagusoo celindoonin”ayuu yiri Ing.Camey

Xafiiska Muqdisho
puntlandvoice.com