digg icon delicious icon

Madexweyne C/raxmaan Faroole oo dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe

March 29, 2012   //     //   News

Garoowe (PV):-Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madexweynaha Dawlada Puntland ayaa xalay dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland kadib markii uu shalay ka soo ambabaxay magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Madexweynaha Dowlada Puntland iyo xubnaha la socda ayaa mudo 4 maalmood ah waxaa ay ku sugnaayeen Magaalada Gaalkacyo halkaasoo 25-kii bishaan uu Gaalkacyo uga qeybgalay aaskii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed AHN,sidoo kale shirkii kooxaha Soomaalida ayuu madaxweynuhu ka qeybalay 26 March.

Sidoo kale intii uu joogay Madaxweynuhu Gaalkacyo waxaa uu kulamo la qaatay waxgaradka, Odayaasha Dhaqanka iyo dhamaan qaybaha bulshada islamarkaana kala hadlayay arrimo farabadan oo ay ka mid yihiin arrimaha nabadgalyada iyo ka qayb qaadaashada horumarinta deegaanka.

Madaxtooyada ayaa lagu wadaa in madaxweynuhu kula hadlo maanta qeybaha wararka ee Garoowe si uu uga faahfaahiyo wixii uga soo qabsoomay socdaalkii uu Gaalkacyo ku joogay dhowrka maalin.

Xafiiska Garoowe
puntlandvoice.com

Readers Comments (0)