News

Magaaladda Boosaso ayaa waxaa ka Socdda Dadaalo Lagu bad baadinayo Doon waday Shixnad Ganacsi

Waxaa magaaladda Boosaso ee Caasimdda Ganacsiga puntland ka socdda dadaalo lagu bad baadinayo doon shixnad ganacsi u waday ganacsato reer Puntland ah, doontaas oo ku soo Caariday meel ku dhaw biriga badda ee aaga dekadda magaaladda Boosaso,

Doontaan ayaa wadda shixnado ganacsi oo kala duwan kuwasoo isugu Jira, Qalab Ganacsi, raashin baabuur iyo ganacsi kale, doonta ayaa dhinac u liicday iyadoo aad looga Cabsi qabo inay degto, waxaana durbadii Ganacsatadu is ticmaleen xeelad iyo Gurmad deg deg ah si loo bad baadiyo shixnadda ganacsi ee saaran Doonta, inta doonto u jirto bada ayaa Noqotay qiyaastii 100M, taasoo la sheegay inay macquul tahay in la Badbaadiyo ganacisga saaran Doonta,

iyadoo durbadiiba la dajiyey xeelad aad u wanaagsan taasoo ah in 100M ee biyaha ah lagu buuxiyo kunteedharo kadibna lagu shubo Caro kaawo, iyadoo xalkii marba labo kunteedhar dusha la iska saarayo, markaasna caro kaawo lagu shubayo,

waxaa 24 Saac ee la soo dhaafay soconayyey dadaaladaas, iyadoo hawshuna marayso meel Gabo Gabo ah, mardhawna Guul laga Gaari doono, hawl galkaan, waxaa Goobta booqday Masuuliyiin ka Tirsan dawladda Puntland oo ugu Horeeyo wasiirka dekaddaha Puntland Egn Saciid maxamed Raage, Gudoomiyaha Gobolka bari Dhaddo, iyo Duqa magaaladda Boosaso, Eng Yaasiin Mire, ayaa kuligeed bogaadiyey hawsha bad baadinta ee Socota,

waxaa sidoo kale Goobta Gaaray siyaasiyiin Caan ka ah puntland sidda Musharax madaxweyne Cali Cabdi Awaare, masuuliyiin oday dhaqameedyo, iyo shacab kale oo fara badan,

Hawshaan ayaa la Rajaynayaa inay soo Gabo Gabowdo ilaa maanta Galinka danbe

PuntlandVoice
Puntvoice01@gmail.com