News

Maraykanka iyo Qadar oo is-kaashanaya

Boqorka dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo xoghayaha Difaaca Maraykanka James Mattis, ayaa ku kulmay magaalaga Washington, waxayna kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ku jirto la dagaallanka argagixisada.

Xukuumadaha Washington iyo Doxa ayaa sheegay inuu dhexmarayo heshiis iskaashi ah oo saamaxaya in labada dal ay kawada shaqeeya sidii loo nabadayn lahaa bariga dhexe.

Hogaamiyaasha oo ku shiray Pentagonka Maraykan ayaa warbaahinta u sheegay in kulankan uu muhiimad gaar ah u leeyahay xiriirka labada dal.

Iskaashigan ayaa imaanaya xilli ay taagamtahay xiisadda u dhaxaysa wadamada Khaliijka.