digg icon delicious icon

MAREYKANKA "hada uma soo jeedno inaan burcad badeeda kula dagaalno bariga"

March 31, 2011   //     //   News

Mas’uul sare oo ka tirsan Dowlada Mareykanka ayaa daboolka ka qaaday inaysan xiligaan qorshaha ugu jirin inay bariga kula dagaalamaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

“hada uma soo jeedno inaan burcad badeeda kula dagaalno bariga laakiin taa badalkeeda waxaan wada shaqeyn la yeelaneynaa maamul goboleedyada Soomaaliya si ay gacan uga gaystaan la dagaalanka burcad badeeda”ayuu yiri Kaaliyaha xog’hayaha arrimaha siyaasadda iyo Militariga ee Maraykan Andrew Shapiro

Kaaliyaha Xoghayaha arimaha Siyaasada Andrew Shapiro waxaa uu carabka ku dhuftay in intii ay bariga Soomaaliya ciidamo geyn lahaayeen ay xiriro fiicanla sameysanayaan maamul Goboleedka sida Puntland iyo Somaliland si ay kaalin fiican uga qaataan cribtirka burcad badeeda.

Andrew Shapiro waxaa uu intaasi ku daray inay wadayaan qaababka kale ee ay kula dagaalaan burcad badeeda iyo doomanka ay adeegsadaan.

Dhanka dhaqaalaha ayuu sheegay Andrew Shapiro in Mareykanku gacan weyn siino dalalka iyo maamulada isku howla sidii loo maxkamadeyn lahaa kooxaha la qabto ee burcad badeeda.

Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com

Readers Comments (0)