digg icon delicious icon

Markab lahaa shaqaale gaaraya 400 oo laga badbaadiyay kooxaha burcad badeeda

October 31, 2011   //     //   News

Ciidamada Badda ee dalka Mareykanka kuna sugan Bad weynta hindiya ayaa la sheegay inay ka hor tageen weerar kooxo burcad badeed ah ku qafaalan lahaayeen markab ganacsi oo laga leeyahay dalka India.

Markabkaani ayaa la sheegay inay ka shaqeynayeen ilaa 400 shaqaale ah iyadoo 50 ka mid ah yihiin dad dhashay dalka laga leeyahay markabka ee india.

Markabka xiligii la weeraray ayaa la sheegay inuu marayay meel u dhow xeebaha soomaaliya islamarkaana ay fariin u gudbiyeen ciidamada maraakiibtu k joogaan xeebaha soomaaliya waxaana markaa dedeg ugu soo gurmaday markab dagaal oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

War dhanka Dalka India ka soo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in wixii hada ka danbeeya ay ciidamo iyo maraakiib dagaal raacin doonaan maraakiibtooda ganacsiga ee mara xeebaha Soomaaliya si looga difaaco kooxaha loo yaqaan burcad badeeda.

Muqdisho-Somalia
allburtinle.com

Readers Comments (0)