digg icon delicious icon

Markab shacabka reer Falastiin Hilib Gasacadeysdan u siday oo Maanta si dirqi ah kaga baxsaday Kooxaha Burcad Badeeda.

May 31, 2010   //     //   News

Mid ka mid ah Maraakiib hilib gasacadeysan u siday Falastiiniyiinta ku go’doonsan dhulka Gaza ayaa waxaa uu Maanta si dirqi ah kaga badbaaday afduub ay la damacsanaayeen kooxaha Soomaaliyeed ee Burcad badeeda ah.
Sedex Markaboo hilibkaani siday ayaa ka soo baxay siraacday Dalka Swiziland kadibna badweynta Gacan cadmeed iyagoo maraya ayaa waxa weerar ku qaaday burcad badeeda waxay la beegsadeen Markabkii ugu horeeyay kaasoo xawaare sare kga baxsaday.

Dhamaan Maraakiibtii waxay badasheen marinkii ay ku socdeeniyagoo maray dhanka Kanaalka Suweys sida wararka ay sheegayaan,taasoo u suuragelisay inay ka baxsadan Burcad badeeda.

Hilibka oo ah nuuc gasacadeysan ayaa wararku sheegayaan in laga soo iibshay Dalak Austarelia waxaana uu ku fadhiyaa 4Milyan Doolar kadibna Dalka Swiziland ayaa loo geeyay in lagu gasacadeeyo.

Si kastaba hilibkaan ayaa la doonayaa in maalmaha soo socda xuduuda Masar iyo Falaxstiin laga geliyo lana gaarsiiyo Shacabka Muslimiinta reer Falastiin ee ku go’doonsan Jiida Gaza.

allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho
C/fitaax Maxamed Salaad
diyeeshe15@hotmail.com

Readers Comments (0)