Masuuliyiin ka tiran Maamulka Puntland oo Si wayn loogu soo dhaweeyey Degmada Burtinle.
August 31, 2010 // admin // NewsGAROOWE(AB): Wafti ka socda maamulka puntland ayaa maanta gaaray degmada burtinle ee gobalka nugaal waxaana si wayn u soo dhaweeyey masuuliyiinta degmada burtinle gaar ahaan duqa degmada burtinle maxamed jaamac ayaa horkacayey dadkii soo dhaweeyey waftiga waxaana la sheegay in waftigaan maanta gaaray degmada burtinle ay ka mid ahaayeen wasiiru dowlaha maamul wanaaga Maxamed farax Ciise Gaashana, wasiir kuxigeeenka wasaaradda haweenka Saynab Ugaas Yaasiin iyo wasiir kuxigenka wasaaradda arimaha gudaha.
Socdaalka waftigaan ayaa la sheegay in ay degmada burtinle u gaareen sidii ay degmada burtinle ugu dhisi lahaayeen gole deegaan iyo maamul cusub ugu dhisi lahaayeen degmada burtinle oo aan in mudo ah lahayn gole deegaan.
Degmada burtinle ayaa si wayn looga dareemay qaban qaabadan doorashada maamulka cusub ee degmada lagu wado in maalinimada bariya loo sameeyo waxaana xusid mudan in duqii hore ee degmada burtinle uu dadaal ugu jiro sidii uu markale u qaban lahaa duqa degmada burtinle kaas oo ah nin aqoon yahana islamarkaana ay taageersan yihiin shacbaka reer burtinle.
Waftigaan uu horkacayo wasiiru dowlaha maamul wanaagan maxamed faarax ciise gaashaan ayaa kulamo kala gadisan la qaatay masuuliyiinta degmada burtinle iyo odayaasha dhaqanka degmada burtinle waxaana la shegay in ay ka wada hadleen sidii degmada burtinle loogu dhisi lahaa maamul cusub waxaana xusid mudan in ay si wayn u soo dhaweeyaan.
Wakiilka Allburtinle Puntland
Siciid Somali, Garoowe Somalia
E-mail loole15@hotmail.com



