Mas'uuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland oo booqday Degmada Goldogob
October 31, 2011 // admin // NewsGodogob(AB):-Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasiiro ka tirsan Dowlada Puntland ayaa wada jir u booqday degmada Goldogob ee Gobolka Mudug Xili waqtiyadaan danbe warbaahinta qaar shaaciyeen in degmadaasi tahay mid ay aan la tagi karin.
Wasiirada la socday Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirahsiid Maxamed Xirsi waxaa ka mid ahaa Wasiirka Cadaalada iyo arimaha diinta Cabdikhaliif Xaaji Xassan (Ajaayo) iyo Wasiirka howlaha guud iyo Gaadiid Eng.Daahir Xaaji Khaliif.
Gudoomiye Cabdirahsiid Maxamed Xirsi waxaa uu sheegay in ujeedka socdaalkooda uu ku aadanaa sidii ay muujin lahaayeen inay been tahay wararka sheegayay in degmada Goldogob ay ku xoogan yihiin kooxo ka soo horjeeda dowlada Puntland islamarkaana aan la tagi karin,gudoomiyaha waxaa uu ku amaanay bulshada reer Goldogob inay horumar iyo isku tashi smeeyeen.
Wasiirada iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa booqasho ama kormeer guud ku sameeyay degmada Goldogob gaar ahaan dhincyada bulshada sida sikuulada waxlagu barto iyo xarumaha caafimaadka.
Gudoomiye C/rashiid iyo wasiirada ku wehliyay socdaalkiisa kuwaasoo ka soo jeeda Gobolka Mudug ayaa warbaahinta u sheegay inuu jiro wada shaqeyn la’aan ka dhex jirta maamulka Degmada iyo kan Gobolka taasoo ay keentay xoogaa habacsanaan ah.
Si kastaba wafdigaani ayaa jawi degan ku soo dhameystay socdaalkooda iyagoo kula balamay gudoomiyaha Goldogob Cabdi Sahal inuu warbixin joogto ah siiyo maamulka Gobolka Mudug oo uu hoos tago.
Xafiiska Garoowe
allburtinle.com



