digg icon delicious icon

Mas'uuliyiin ka tirsan Xarakada Alshabaab oo Saaka ka qeybgalay salaadii Ciida ee Degmada Lafoole + SAWIRO

August 30, 2011   //     //   News

Lafoole (AB):-Madax ka tirsan Xarakada Alshabaab ayaa saaka ka qeybgalay dukashada salaadii Ciida oo lagu oogay deegaanka Lafoole ee duleedka Degmada Afgooye.

Mas’uuliyiinta salaadaasi ka soo qeybgashay ayaa waxaa ka mid ahaa Amiir ku xigeenka 1aad ee xaakada Alshabaab sheekh Mukhtara Roobow Abuu Mansuur iyo Xasan Daahir Aweys oo isna ka mid ah saraakiisha Xarakadaasi.

Dadweyne aad u badan ayaa ka soo qeybgalay barxada Lafoole ee saaka salaada lagu oogay waxaana hadalo kooban ka jeediyay mas’uuliyiinta Xarakatu shabaabul Mujaahidiin.

Sheekh Abuu Mansuur iyo Sh.xasan Daahir ayaa labaduba u hanbalyeeyay shacabka Muslimiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyagoo ugu hanbalyeeyay munaasabada ciidul fidriga.

Sidoo kale waxay ugu baaqeen dhamaan Ciidamada Xarakada Alshabaab inay sii wadaan dagaalada ay kaga soo horjeedaan ciidamada Dowlada KMG ah iyo kuwa Midowga Afrika.

Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com

Readers Comments (0)