digg icon delicious icon

Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada Puntland oo u dhoofay Dalka Jabuuti

January 30, 2012   //     //   News

Boosaaso (PV):- Mas’uuliyiin Wasaaradaha dowlada ka tirsan ayaa maanta u dhoofay dalka Jabuuti kuwaasoo ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Wararka la xiriira ujeedka safarka madaxdaani ayaa sheegaya inay tahay sidii ay uga qayb geli lahaayeen shir caasimada dalka Jabuuti ka dhici doona oo ay soo qaban qaabisay hay’adda muhaajiriinta aduunka ee IOM.

Wasaradaha Amniga, Caafimaadka, Arimaha gudaha, Dekedaha, iyo howlaha guud ayay isugu jiraan wasaaradaha ay ka socdaan wafdiga baxay iyadoo lagu wado inay dalka ku soo laabtaan marka ay soo dhameystaan shirka.

Shirka oo furmi doona 1-da bisha febraayo ayaa Ajandaha shirkaani looga hadli doono waxaa lagu sheegay sidii loo xakameyn lahaa dhibaatooyinka ay dadka tahriibaayasha ahi la kulmaan iyo sidii wax ka qabashadooda la isaga kaashan lahaa.

Shirkan oo mudo 4-maalmood ah socon doona ayaa la filayaa in marka u soo gaba gaboobo ay kasoo baxaan qodobo wax ku ool ah oo daryeelka muhaajiriinta ku aadan.

Boosaaso-Bari
puntlandvoice.com

Readers Comments (0)