News

Maxaa looga hadlay Kulankii Maanta ay Muqdisho ku yeesheen Gudiyada Baarlamaanka Dowlada KMG Soomaaliya.

Muqdisho (AB):-Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho kulankii caadiga ahaa ku yeeshay Gudiyada Baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo isla soo qaaday sidii dib loogu furi lahaa Kalfadhiyadii Baarlamaanka oo mudo xaniban. Gudoomiyaha Xilkiisa lagu muransan yahay ee baarlamaanka Soomaaliyeed Sh.Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo shirka Maanta shir gudoominayay ayaa saxaafada u sheegay shirka ka dib inay isla garteen in dib loo furo kalfadhiyadii baarlamaanka oo bishii Ramaadan wixii ka horeeyay ay u danbeysay. Sheekh Aadan Madoobe waxaa uu intaasi ku daray in Isniinta ugu danbeyn shaacin doonan xiliga dibloo furayo baarlamaanka Soomaaliyeed markaasoo sida uu sheegay ay yeelan doonaan kulan xasaasi ah. Sidoo kale warark laga helayo kulankii Maanta ayaa sheegaya inay iska soo qaadeen gudiyada khilaafka soo kala dhexgalay Xildhibaanada Soomaaliyeed iyo sidii loo xalin lahaa. Shirka Maanta ayaa qeybka ah kulamo mudo ku dhow sanad ay soo yeelanayeen Gudiyadaani islamarkaana laga soo saarayay isla ereyada maanta ka soo baxay oo kale kaasoo ah in dib loo furi doono Shirarkii baarlamaanka hase yeeshee ilaa iminka aaney ku guuleysan. allburtinle.com Xafiiska Muqdisho C/fitaax Maxamed Salaad diyeeshe15@hotmail.com