digg icon delicious icon

Maxaad Ka Ogtahay Kooxda La Magac Baxday Isbadal Doonka Puntland Iyo Siyaasadahooda Qarsoon Iyo Waliba Xuluufaysigga ay La Leeyihiin SomaliChannel-TV?

January 4, 2012   //     //   Articles, News

Assalaamu Caleykum Dhammaan Akhristayaasha Sharafta Leh.

Marka hore waxaa sharaf dhammaanteed u sugnaatay allihii ii suurta galiyey inaan maqaalkaan qoro, waxaana jeclahay inaan Bulsha Weynta Reer Puntland usoo bandhigo Xaqiiqooyin badan oo ka dahaaran sida qoraxdiina ugu uftiimiyo Kooxda La Baxday Isbadal Doonka Puntland.

Sida ay lawadda socdaan dadka reer puntland gudaha iyo dibadaba waxaa waayadaan aad usoo badanayey Hadal hanyta Arrimaha Puntland kuwaas oo ay ka hadlayeen Siyaasiyiin farabadan iyo Hogaamiye Dhaqammeed Iyo Aqoonyahanno Ku kala sugan gudaha dalka iyo dibadaba.

Haddaba Waxaa jirta iyaddana Kooxo Siyaasiyiin ah oo Horay intooda badan Xilal Kala duwan kasoo qabtay Puntland tan iyo asaaskii illaa iyo Xukuumada uu hadda hogaamiyo Madaxweyne Dr.Cabdiraxmaan Faroole Kuwaas oo dhawaan Samaystay Sida ay sheegeen Urur La Dhaho Isbadal Doonka Puntland, sidoo kale waxaa taas iyaddana barbar socday Shirar kala duwan oo ay ku qabanayeen Magaalooyinka Puntland qaar kamida.

Sidaas owgeed waxaan rabaa inaan iftiimiyo isla markaasna banaanka soo dhigo Kooxahaan Siyaasiyiinta ah sida ay u shaqeeyaan iyo ujeeddooyinkooda Siyaasadeed anoo Qoraalkayga ku Qotominaya Ilo Xogogaal ah oo aan helay intaan guda jiray xogg aruurinta faaladaydaan , haddaba Su’aasha Bulshada Reer Puntland is Weydiinayaan Waxay tahay Waayo Kooxda La Baxday Isbadal Doonka Puntland ?

Kooxda Siyaasiyiinta Ah Ee La Baxday Isbdal Doonka Puntland:
Hadaan Faaqido Kooxda la baxday Isbadal Doonka Puntland waa Koox Siyaasiyaan ah Puntland-nna Xilal badan kasoo qabtay kuwaas oo intooda badan Shacabku garanayaan isla markaasna ku fashilmay Siyaasadda Puntland intay kusoo dhexjireen.

Sidoo kale Kooxdani Siyaasiyiinta ah waxay Raggaad ku ahaayeen mudo dheer Hormarka Iyo Ammaanka Puntland waxayna intooda badan Horay u Xalaalaysteen Hantidda Ummadda iyadoon jirin cid markaas la xisaabtamaysay waxayna isku arkayeen intooda badan Ragg aan la loodin karin Siyaasad ahaan iyo Dhaqaalo ahaanba maadaama ay Muddo dheer Kusoo dhexjireen Masraxa Siyaasadda Puntland.

Yaa Hogaamiya Kooxda Isbadal Doonka Puntland:
Kooxda La Baxday Isbadal Doonka Puntland waxay u dhisanyihiin Qaabab kala duwan oo aysan dadku intooda badan arki karin waayo Ragga ugu tunka weyn Kooxdan waa is qariyaan inta badan Magac ahaana Kooxda Isbadal Doonka kama Dhexmuuqdaan Shirarkooda sababtoo ah Bulshadda ayaa ka didaysa aragtidooda mana rumaysanayaan shacabku illeen nin aad taqaan yaa tahay lama yiraahdee.

Sidaan la socono Asaasaaskii kadib kooxdaan waxay Gudoomiye ka dhigteen Cabdirisaaq Xuseen Gacayte oo mar wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda kasoo ahaa Xukuumadda uu Hogaamiyo Madaxweyne Dr.Cabdiraxmaan Faroole, iyagoo markaasna Muuse Cali Jaamac ka dhigay Gudoomiye Ku Xigeenka Isbadal Doonka.

Balse isla waxyar kadib Waxay haddana Shaaciyeen in Muuse Cali Jaamac uu yahay Gudoomiyaha Kooxda Isbadal Doonka Puntland, Muuse Cali wuxuu mar ahaa nin Ganacsade ah Waxayna Walaalo yihiin Jaamac Cali Jaamac Oo Xili kooban Puntland mar kasoo ahaa Madaxweyne Dastuuri ah balse markii danbe ay afgambiyeen Huwantii uu Hogaaminayey Madaxweynihii Hore Ee Puntland Xiligaas Cabdullaahi Yusuf.

Intaas markii laga soo tago Xaqiiq ahaan waxaan si hoose u ogaaday in kooxda Isbadal Doonka uu Hogaamiyo Gen.Cabdullaahi Siciid Samatar Oo Wasiirka Amaanka Ka Ahaa Xukuumada uu Hogaamiyo hadda Madaxweyne Dr.Cabdiraxmaan Faroole, Waxaana Ku Xigeen u ah Maxamed Cali Yusuuf (Gaagaab) oo Isna Mar ahaa Madaxweyne Kuxigeenkii hore Ee Puntland Iyo Waliba Wasiirka Maaliyadda.

Shakhsiyaadka ugu tunka weyn Kooxda Isku Magacowday Isbadal Doonka Puntland inta badan waa is qariyaan waxayna iska ilaaliyaan in lagu dhex arko shirarka kooxda isbadal doonka balse waxay adeegsadaan kooxo ay iyaggu samaysteen si hoosana awaamiirta usiiyaan uuna ugu horeeyo Muuse Cali Jaamac oo ay ku magacaabaan inuu yahay Gudoomiyaha Isbadal Doonka Puntland si loo khaldo rayigga bulshadda iyaggana looga leexiyo tooshka, iyo shakhsiyaad kale oo kala jooga Goboladda kala duwan ee Puntland kuwaas oo dhammaantood fuliya siyaasadda guracan ee ragga sida dhabta ah u hogaamiya Kooxda Isbadal Doonka Puntland.

Hadaan isku dayo inaan waxka xuso shakhsiyaadka Kooxda isbadal Doonka sida dhabta ah u samaystay sida hoosana u hogaamiya waxaa kamid Wasiirkii Hore Amaanka Gen Cabdullaahi Siciid Samatar, Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) Madaxweyne Ku Xigeen Hore Iyo Wasiirkii Maaliyadda, Axmed Cali Xaashi Gudoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka, Col.Cabdicasiis Siciid Gacameey Taliyihii Hore Ee Booliska, Cabdinuur Cilmi Biindhe Wasiirkii Hore Ee Isboortiga Iyo Dhalinyaradda, Cabdirisaaq Xuseen Gacayte Wasiirkii Hore Ee Dekeddaha Iyo Gaadiidka Badda, Maxamed Xaaji Adam Oo isna Mar Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Kasoo Noqday.

Sidoo kale Kooxdaan waxay leeyihiin Shakhsiyaad ah Hogaamiye Dhaqammeed oo afkaartooda cabsan una qaabilsan dhanka Kicinta Bulshadda kuna sugan gudaha iyo dibadda waxaana Hogaamiya Kooxda Dhaqanka Suldaan Cabdiqaadir Ciise Axmed oo haatan deggan dalka Ingiriiska, waxayna fariimahooda kicinta iyo abaabulka sii marsiiyaan TV-ga SomaliChannel.

Waa Maxay Ujeedadooda Siyaasadeed Kooxda Isbadal Doonka Puntland:
Kooxda Isbadal Doonka Puntland waxay dadka u sheegaan inay yihiin dad Muwaadiniin ah oo ka naxaya dalka halkuu marayo isla markaasna doonaya inay Badbaadiyaan Puntland isbadal wanaagsana u horseedaan waxayna meel walba kaga hadaaqaan inay iyagu yihiin dadka lagu aamini karo Masiirka Ummadda Reer Puntland hadii loo dhiibana ay Puntland Gaarsiin doonaan Barwaaqo iyo Baraare.

Balse ujeedadooda siyaasadeed Kooxdaan iyo Isbadalka ay doonayaan waa mid ku salaysan laba Waddo kaliya xaqiiqan hadii ay Puntland u Horseedayaan Barwaaqo iyo Ammaan maxaa horay looga arki waayey mudadii dheerayd ee ay Dalka siyaabaha kala duwan uga soo talinayeen.

Kooxda Koowaad Oo Kamida Kooxda Isbadal Doonka Puntland Waa Kursi Doon waxayna geed dheer iyo mid gaabanba u fuulayaan sidii ay ku heli la haayeen Kursaastii laga Salkiciyey oo ay mudadda dheer ku fadhiyeen maadaama wakhtigaan ay intooda badan banaanka ka yihiin Masraxa Siyaasadda Puntland, sidaas owgeed waxay ku beerla xowsanayaan Bulshadda Reer Puntland kuna Raad-gadanayaan Hogaamiye dhaqameedka Puntland iskagana dhigayaan inay yihiin owliyo soo daahirtay oo aan u socon Kursi balse u socda sidii ay u badbaadin la haayeen Puntland.

Kooxda Labaad Oo Kamida Kooxda Isbadal Doonka Waa Dhaqaallo Doon waxayna Raadinayaan inay helaan Hantidii ummadda oo ay horay u xalaalaysteen cunisteeda isla markaasna aysan jirin cid la xisaabtami jirtay mudo dheer iyagoo badankood noqday kuwa ka Taajiray Hantidii Dadka, sidaas owgeed waxay iyaguna baadigoob aan kala har la hayn ugu jiraan inay Bulshadda kiciyaan sameeyaana Dacaayado badan si ay ugu sahlanaato inay dib u xalaalaystaan Hantidii umadda ee Wakhtiga dheer lagu tamashlaynayey.

Sidoo kale waxaa iyaggana jirta Koox aan sidaas u muuqan oo ku dhexmilan Kooxda Isbdal Doonka Puntland dadka qaarkiisna ku Tuhmaan inay yihiin dad aaminsan Fakarka Al-Shabaab kuwaas oo ka kooban Hogaamiye Dhaqameedyo Darajadoodu Iyo Hagaamintoodu hoosayso iyo Koox ah Aqoonyahano iyo Qurbajoog iyagoo dhammaantood ku hoos jira Dalladda Kooxda Isbadal Doonka.

Xuluufaysigga Kooxda Isbadal Doonka Puntland Iyo SomaliChannel TV:
Kooxda Isku Magacoowday Isbadal Doonka Puntland waxay hishiis hoose la galeen Madaxda Sare ee TV-ga SomaliChannel iyadoon la socono in dhawaan TV-ga SomaliChannel Puntland ay Xanibaad Saartay ka gadaal markii Hay’addaha Ammaanka Qaabilsan ay ku eedeeyeen inuu TV-ga SomaliChannel abuuro Warar lidi ku ah Ammaanka iyo Xasiloonida Puntland taageero dadbana siiyo Kooxda Al-Shabaab Siiba kuwooda ku Dhuumaalaysta Gudaha Puntland amni daradana kawadda Magaalooyinka waaweyn.

Markii Xanibaada la saaray TV-ga SomaliChannel lana fahmay Qorshayaashiisii lidka ku ahaa Puntland waxay durbadiiba guda galeen inay Sameeyaan Barnaamijyo ah Dacaayado kana foq Xaqiiqda iyagoo Xayeysiiya waraystana shakhsiyaad aan shacabka Reer Puntland waji ku laxayn macnana ugu fadhin.

Balse markii danbe waxaa soo shaac baxday in Kooxda Isbadal Doonka Puntland iyo TV-ga SomaliChannel ay Hishiis is faham guud ah kuwada gaareen dalka Ingiriiska hishiiskaas oo nuxurkiisu ahaa in Siyaasiinta horay u Fashilmay Ee haddana la baxay Isbadal Doonka Puntland la buunbuuniyo lagana dhigo kuwii ku haboonaa Hogaanka Puntland, in Tafaraaruq lagu abuuro Bulshadda Puntland, in la wiiqo howlaha ay wado Dowladda Puntland kana wado Dalka gudihiisa siiba dhanka Ammaanka.

Haddaan isku soo xooriyo Kooxda Isbadal Doonka Iyo TV-ga SomaliChannel iyagoo iskaashanaya waxay hishiis cad ku yihiin in ay hirgaliyaan hindisahoodu jahwareersan bulshadda Puntland-nna kala Fogeeyaan illaa iyo intay kamira dhalinayaan Damacooda iyagoo waliba adeegsanaya qaar kamida dadka Aqoonyahanka ah iyo Odayaasha dhaqanka kuwaas oo aan si hoose u dareen sanayn Ahdaafta huwantaan is bahaysatay.

Tuhunka Ku Xeeran Xiriirka Kooxda Isbadal Doonka Puntland Iyo AL-Shabaab:
Waxaa jira welwel isa sootaraya oo ay qabaan inta badan Dowladda Puntlad iyo Shacabkeeduba kuwaas oo ah in Qaybo kamida Kooxda Labaxday Isbadal Doonka Puntland iyo kuwa taageera afkaartooda in ay si hoose ula dhacsanyihiin Falalka amaandarida ah ee Puntand ka dhaca sidoo kalana ay si hoose u taageeraan Kooxda Xagjirka ah Ee Al-Shabaab.

Shakigga Dowladda Puntland iyo Shacabkeedu ka qabaan Xiriirka labadaan kooxood wuxuu sii xoogaystay kadib markii ciidamadda Ammaanka Puntland iyo Kuwa Sirdoonkuba ay dhoowr jeer baaritaan ku sameeyeen Shakhsiyaad katirsan Kooxda Isbadal Doonka halka qaarkoodna ay markii danb dalka ka carareen iyagoo iska dhiibay Koonfurta Soomaaliya iyo Hargaysa.

Sidoo kale waxaa iyadanna jira in Suldaan Cabdiqaadir Ciise Axmed oo kooxda isbadal Doonka Puntland u qaabilsan Hogaanka dhaqanka in Ciidamadda Amaanku ku xireen Magaaladda Bosaaso sanadkii 2010 kala barkiisii xiligaas oo uu Suldaanku safar qarsoodi ah ku joogay Puntland.

Xaqiiqan Tuhunka iyo shakigga ku xeeran Xiriirka qaar kamida labadaan kooxood iyo taageeradda guracan ay qaarkood siiyaan falalka amaandaridda ah ee Puntland ka dhaca iyo adeegsigga TV-ga SomaliChannel oo horay loogu tuhmay inuu xiriir dahsoon la leeyahay Al-Shabaab iyo siyaasadahoodu ku salaysan Kursi doonka iyo Dhaqaalo raadiska waa kuwa markhaati cad ka dhigi kara in Xiriir uu dhexmari karo labadaas garab iyagoo kala ujeedo ah balse haddana ku midaysan wiiqitaanka Ammaanka Puntland iyo kala furfurida Shacabka Puntland.

Talo Soo Jeedin Shacabka Reer Puntland:
Waxaan talo ahaan ugu soo jeedin Shacabka reer Puntland ee kala jooga dibadda iyo gudaddahaba inay midnimadooda ilaaliyaan oo aysan ku sirmin durbaanka ay garaacayaan Shakhsiyaadka Hamigidooda Siyaasadeed horay usoo fashilmay hadeerna ku raadinaya inay bulshada tafaraaruq galiyaan ee Shaatiyadda badan xiran oo aan kor kusoo xusay isla markaasna waa inay shacabku garab istaagaan lana shaqeeyaan Sixid iyo toosina ku darsadaan Maamulka hadda taladda Dalka Haya.

Sidoo kale waxaan talo ahaan iyaggana ugu soo jeedin Ragga Siyaasiyiinta ah ee Labaxay Isbadal Doonka inay kala gartaan waxa ay tahay Mucaaradnimadu iyo Muxaafidnimadu, isla markaasna ay kala saaraan Shakhsigga ay is hayaan hadiiba ay jirto cid ay ishayaan ama xifaaltan siyaasadeed uu ka dhexeeyo iyo Danta guud ee Shacabka ma xuma in qofku noqdo Mucaarad wax dhaliila balse waxaa daran in qofku si khaldan oo ah kicin bulsho abuurid xasilooni daro baahin warar iska horkeenaya bulshadda waxku raadsado is dhahana waxbaad ku gaaraysaa.

Ogaadda nina fowdo wanaag kama dhaxlo hadaaad ka naxaysaan shacabka reer Puntland oo ay dhab idinka tahay wanaagga aad sheeganaysaan Hamigiina Siyaasadeed ku raadiyo Tubta Wanaaga haku raadinina Tubta Tafaraaruqa waa hadii aad aayo danbe ka leedihiin Hogaaminta Puntland.
Gabagabadii:

Qoraalkaygaan uguma aanan talagin inaan ku difaaco xaqdaro iyo Maamul xumo ka jirta Puntland sidoo kale uguma aanan talagin inaan ku dhaleeceeyo Ragg Siyaasiyiin ah balse ujeedkayga ugu weyn ee aan Wakhtigga u galiyey Faalladaan waxaa weeye inaan Bulshadda u Cadeeyo In Kooxda La Baxday Isbadal Doonka Puntland aysan ahayn Ragg Cirka hadda kasoo dhacay balse ay yihiin Siyaasiyiintii Horay badankood u fashilantay oo damacoodii siyaasadeed maanta gaarsiiyey inay Bulshadda ku abuuraan Jahwareer.

Sidoo kale waxaan qoraalkaygaan bulshadda ugu iftiimin in Kooxda Isbadal Doonka ay ku jiraan Shakhsiyaad Xiriir dhoow la leh Al-Shabaab kuna dhexmilan kooxdaas larabana inay bulshadda ogaato lana socoto isla markaasna taxadar muujiyaan oo aysan ku khaldamin wax walba oo lagu waxyee laynayo amnigooda iyo wadajirkooda.

Waxaan kusoo afmeerayaa falladaydaan Xukuumadda Puntland ee Maanta jirta Xaqiiqan Dhaliillo ayaa ka muuqda iyo daldaloolo waxa ay wanaajisay ama ay qabatayna wey ku ammaanan tahay waana wax looga fadhiyey laakin waxaan Talo kusiin in Xukuumado gufayso owdana Dhaliilaha badan ee muuqda iyadoo la kaashanaysa Shacabka iyo Hogaanka Dhaqanka Puntland.

W/Q. Ahmed Abdirahman Aden Dalab(Fashion)
ahmedfashion@hotmail.com
Afeef: Aragtidda Qoraalkaan Waxay Gaar U Tahay Qoraha Ku Saxiixan

Readers Comments (3)

  1. nin yaqaan says:

    wiil yaroo hadley buu ahaa kaasina!!!
    adeer maba dhalane dhowraysan ogidaa. allaha u naxariistee ayeydaa sareedo canjeedadii ay adoo rajey iyo agoona kugu soo korisey ma ayaa khasaaarada keentay??

  2. nin yaqaan says:

    ina macalin xassan u sheeg taas ama adeerka abdisalaan nin culus…

  3. SAMATARD says:

    A/C ALL DHAMAAN PUNTLAND MARKAHO WARKA XIISAHA BADAN WAAN AKHRIYAY AADNA WAAN U FAHANAY WAXAA MUHIIM AH IN PUNTLAND WAX LOOQABTO EE IN WAX LAYEELEEYO MA AHA QOLYAHA ISBEDELDOONKA AH HA SHAQEEYEEN NABADA EE YEYSAN WAX YEELO NOO LA IMAN JIRITAANKA PUNTLAN WAA MUQADAS