News

Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo ayaa laga dhigay Guddoomiyaha mu’asasada Khayriga ah ee Jaamacadda Bariga Afiraca.

Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay Dowladda Soomaaliya iyo Puntland ayaa laga dhigay Guddoomiyaha mu’asasada Khayriga ah ee Jaamacadda Bariga Afiraca.

“Waxaa isugu nimi xafladdan inaan guddoonkii Mu’asasada Khayriga ah ee Jaamacadda Bariga ku wareejino Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo ah runtii nin horay loo soo tijaabiyay oo buuxin kara booskaas,” sidaas waxaa yiri Guddoomiye Jaamacadda Bariga Africa Aadan Sheekh Doon Cali.