Maxkamad ku taal Dalka Mareykanka oo Xukun ku riday Burcad Badeed Soomaali ah
November 30, 2010 // admin // NewsMid ka mid ah kooxaha loo yaqaan Burcad badeeda oo maxkamad lagu soo taagay Dalka Mareykanka ayaa xukun lagu riday.
Xeer ilaalinta Maxkamadaasi ayaa sheegay in 30 sano oo xarig ah lagu xukumay burcad badeed Soomaali ah oo lagu magacaabo IIdle Jaamac Ibraahin.
Ninkaani burcad badeedka lagu sheegay ayay maxkamadu sheegtay in lagu cadeeyay danbiga lagu haysto taasoo ah inuu qeyb ku lahaa weerar bishii April lagu qaaday Markab laga leeyahaya Dalka Mareykanka.
30-ka sano inuu xabsiga ku dhameysaan doono ayay sheegeen mas’uuliyiinta Maxkamada iyo dacwad oogayaasha Maxkamada.
Waxaa kale oo ay ka dhawaajiyeen in ragii la socday Burcad badeedka hada la xukumay oo gaaraya ilaa 6 ruux dhamaantood iyagana sharciga la hor keeni doono.
allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho



