digg icon delicious icon

Maxkamada Alshabaab ee Degmada Balcad oo Saaka fulisay Xukuno dhaqax ku dil iyo xadu saariq

December 30, 2011   //     //   News

 

Blacad (PV):-Maxkamada Islaamiga ah ee Xarakada Alshabaab ee Degmada Balcad Gobolka shabeelaha dhexe ayaa saaka waxaa ay 2 nin ku kala fulisay dhagax ku dil iyo goynta lug iyo gacan isdhaaf ah.

Maxkamada alshabaab ayaa ninka hore oo magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Cali Cabdulle (Maqaar) oo da’diisa lagu sheegay 34 sano jir ku eedeysay inuu kufsaday haweeney iyadana magaceeda lagu sheegay khadra Cali oo 19 sanio jir bishii Ramadaan isagoo hore guur u soo maray sidaa daraadeed lagu fuliyay saaka in dhagax lagu dilo fagaaraha garoonka ciyaaraha balcad.

Qaadiga Maxkamada Sh.C/raxmaan ayaa saxaafada u sheegay in falka ninkaani lagu fuliyay uu ahaa mid dacwadiisa ay soo socotay ilaa lix bilood taasoo ka danbeysay markii ninka eedeysanaha uu iska dhigay qof waalan balse markii danbe la ogaaday inuu iska dhigdhigayay.

“hada cod ayaan ka haynaa ninka dhagax lagu dilay taasoo cadeneysa inuusan waalneyn islamarkaana uu danbiga lagu soo oogay galay”ayuu yiri qaadiga maxkamada Sh.C/raxmaan

Eedeysana labaad ayaa lagu magacaabaa Mukhtaar Maxamed Cali da’diisana ay aheyd 24 sano kaasoo isna saaka lug iyo gacan fagaare looga jarey garoonka ciyaaraha ee Degmada Balcad markii isna lagu eedeeyay inuu isbaaro dhigtay inta u dhexeysa Hiilweyne iyo degmada Balcad iyadoo lagu soo qabtay isagoo haysta 5 mobile iyo lacag shan milyan oo Shiling soomaali ah kuwaasoo uu ka qaatay sida lagu eedeeyay dad masaafur ah.

Saaka ayay dadweyne isku soo baxay fagaaraha Degmada Balcad waxaa ay ku daawadeen in iyadoo labo nin midna inta god yar loo qodey qaar hore loo geliyay kadib dhagxaan nafta looga qaaday iyo nin kale oo isna lug iyo gacan isla halkaasi looga jarey.

Xafiiska Muqdiso
puntlandvoice.com

Xafiiska Muqdiso
puntlandvoice.com

Readers Comments (0)