Maxkamada Danbiyada culus ee Puntaland oo Maanta xukuntay rag hub lagu qabtay
June 30, 2011 // admin // NewsGaroowe (AB):-Maxkamad magaalada garoowe ee danbiyada Culus ayaa maanta xukuntay 2 ruux oo lagu soo qabtay hub si sharci daro ah ay ugu dhex wateen magaalooyinka Garoowe iyo Burtinle.
Labada eedeysane midka mid ah ayay shalay Boliisku ku qabteen Magaalada Burtinle isagoow wata hub isugu irey rasaas iyo qoriga AK47.
Eeedeysanahaani waxay maxkamadu ku xukuntay 10 sano oo xarig ah halka kan kale oo isagu la socay gaari rasaas lagu waday dacwadiisa dib la isaga dhigay madaama wali baaritaano lagu hayo sida uu warbaahinta u cadeeyay xeer ilaaliyaha guud ee Puntland.
“ninka lagu qabtay Burtinle waxaa lagu helay 19-qori oo AK47 ah iyo 27-qasanadood”ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw-Cismaan
sidoo kale waxay maxkamadu xukmisay inay dowladda Puntland ay la wareegto gaarigii waday hubka oo ay saaranyihiin 240-kiish oo raashiin ah iyo dhamaan hubkii lagu soo qabtay.
Garoowe-Nugaal
allburtinle.com


