digg icon delicious icon

Maxkamada Danbiyada culus ee Puntland oo Xukun dil ah ku riday nin dhalinyaro ah

March 31, 2011   //     //   News

Boosaaso (AB):-Maxkamada danbiyada Culus ee Dowlada Puntland ayaa maanta qaaday dacwada ardey dhalinyaro ah iyo ciidamo danbiyo kala duwan galay.

Maxkamada oo Boosaso ku taal waxa ay dil toogasho ah ku xukuntay wiilka ardeyda Puntland ka tirsan kadibmarkii maxkamadu ku edeysay inuu ka tirsan yahay Xarakada Alshabab islamarkana uu danbiyo iyo qaraxyo ka fuliyay magaalooyinka Puntland.

dacwada maxkamada qaaday islamarkana ay dilka ku xukuntay ardeyga ayaa ahaa inuu ka qeybqaatay ama fuliyay dilal mas’uliyin Puntland loo gaystay,qaraxyo laga fuliyay puntland iyo inuu ka mid yahay ciidamada wadad diimedka Sheekh Maxamed Atam kaasoo dagaal kula jira dowlada Puntland.

Maxkamada ayaa ugu danbbeyn dil ku xukuntay ardeygasi oo magaciisa aanla shacin wali lamana oga maalinta la fulin doono xukunkaasi dilka ee maxkamadu qaday.

Sidoo kale Maxkamada Ciidamada Puntland waxay xarin u dhexeeya 5ilaa 2 sano ku riday qaar ka mid ah ciidamada Maamulka Puntland markii iyagana lagu helay danbiyo ay ku jiraan dhibaateynta shacabka.

Boosaaso-Bari
allburtinle.com

 

Readers Comments (0)