News

Maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa go’aan ka soo saartay kiis ay soo gudbiyeen Qadar oo ka dhan ah Imaaraadka Carabta

.Qatar ayaa ku eedeysay UAE inay ku xadgubayso sharciyada caalamiga ah iyagoo barakiciyay kumanaan Qataris ah, kuwaas oo intooda badan ay qoysas u degganaayeen hantina ku lahaa Imaaraadka.

ICJ ayaa ku amartay dowladda Imaaraadka in ay difaacdo xuquuqda muwaadiniinta u dhashay dalka Qadar. Maxkamada ayaa sidoo kale ku amartay dowladda Imaaraadka in ay ardayda Qadar ee dalkeeda wax ka barta ay u ogolaato in ay waxbarashadooda dhamaystaan.

Maxkamadda waxaa kalo ay go’aamisay in dowladda Imaaraadka ay ogaalaato in ay qoysaska uu khilafka dalalka kala geeyay ay dib u midoobaan.