News

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa la horgeeyay C/laahi Asad Ismaaciil oo horey loogu eedeeyay inuu dilay Xaaskiisa 14-kii bishan April

, waxaana xaaskiisa lagu magacaabi jiray Muxubo Maxamed Guure.

Dilkan ayaa waxa uu ka dhacay xaafada Calanley ee Magaalada Ksismaayo, xilli habeen ah saacadu marka ay aheyd 08:00 fiidnimo, sida ay sheegtay Maxkamadda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa sheegay kiiskan Maxkamadda la horkeenay in dib loo baari doono, wuxuuna tilmaamay in dib la isugu soo laaban doono 15-ka bisha May 2018, maadaama cadeymo ku filan la waayay.