Mid ka mid ah Beelaha Abgaal oo kun Neef oo ari ah ugu deeqay Maamulka Xarakada Alshabaab ee Gobolka Galgaduud
October 31, 2010 // admin // NewsCeeldheer (AB):-Waaliga Gobolka Galgaduud ee Xarakatu shabaabul Mujaahdiin ayaa ka gudoomay Beesha Waceysle oo ka mid ah Beelaha Abgaal lacag u dhiganta Kun neef oo ari ah kadib kulan ay ku yeeshen Magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.
Sheekh Yuusuf Ciise Kaba ku dukade oo ah waaliga Galgaduud ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa u mahadceliyay odayaashii ka socday Beesha Waceysle ee soo gaarsiiyay deeqa lacageed isagoo carabka ku dhuftay in lacagtaasi noqotay markii qiimaha kun neef oo ari ah la qiimeeyay 117 Milyan iyo 700 shilin Soomaali ah.
Sheekh ayaa sidoo kale odayaasha ku dhiiri geliyay inay deeddaasi ku soo xijiyaan mustaqbalka dhow wiilal ka mid noqda Ciidamada Xarakada Alshabaab oo dagaalo ba’an kula jira Ururka Ahlu suna ee Itoobyaanku taageero.
Sheekh Kaba ku dukade waxaa uu ku amaanay beesha Waceysle sida ay u garab istaagaan howlaha sida uu sheegay jihaadka ee dalka ka socda.
allburtinle.com
Celdheer -Galgaduud


