News

Mudaharaad ballaaran oo shacabka Garowe ay Kaga soo horjeedaan dhibaatada iyo duulaanka maamulka Somaliand uu ku soo qaaday gobolka Sool ayaa maanta ka dhacay Garowe.

Dadka isu soo baxay waxay muujiyeen siday uga xunyihiin dhibaatada maamulkaaasi uu ku hayo shacabka Laascaanood oo dil, xabsi iyo caburin isugu jirta.

Waddooyinka Garowe ayay socod dheer ku Mareen dadweynihii isu Soo baxay iyagoo isugu tagay barxada Garowe, halkaasi oo ay warbaahinta kula hadleen.

Shacabku waxay ku dhawaaqayeen erayo ay kamid yihiin Laascaano Madi maahan, isla markaana maanta la joogo xilligii la xorayn lahaa.

Shacabku sidoo kale waxay ku dhawaaqayeen inay garabtaagan yihiin ciidamada difaaca Puntland ee ku jira jiidaha dagaalka ee gobolka Sool.