News

Mudahraadyo ka socda Magaaladda Laascanood loogana Soo horjeedo soomaliland

Xaaladda magaalada Laascaano ayaa kacsan kadib markii uu maanta ka dhacay Mudaharaad rabshado watay oo sababay gacan ka hadal dhexmaray dad shacab ah iyo ciidamo katisan maamulka Somaliland.

8 qof ayaa la dhigay cisbitaalka guud ee Laas-caano kadib kuwaasoo afar kamid ah xaaladoodu liidato.

Shacabka laascanood ayaa halku uga dhigtay mudahradkooda dooni mayno soomaali diid doono dadka soomaalida diidan, mudahraadkaan ayaa waxaa guud ahaan ka qayb qaatay shacabka ku dhaqan magaaladda laascaanood iyagoo jidadka iyo wadooyinka waawayn ee magaaladda mareyey, waxaana is taagay isku socodkii magaaladda,

ciidanka soomaliland ayaa si bareer ah u toogtay shacabkii mudahraadayey iyadoo dhaawucu iskugu jiro mid aad u liita,

Puntland Voice