News

Munaasabad Lagu soo dhawaynayo Madaxweyne Farmaajo oo Caawa Bosaso ka socota

Xaflad si Heersare ah loo soo Agaasimay Taasoo ay soo Qaban Qaabisay dawladda Puntland taasoo U jeedkeedu ahaa soo dhawaynta Iyo sagootinta madaxweynaha dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Caawa ka socota Hoolka Madaxtooyadda ee Magaaladda Boosaso,

Xafaladda waxaa ka soo qayb Galay madaxweynaha dawladda Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, qaybo ka mid ah isimadda Puntland, Aqoon yahano iyo shacab Faro badan,

Xafladda ayaa ahayd mid loo soo Agaasimay si aad u heersaraysa iyadoo Hoboladda Waabari Puntland ee fanka ay Xafladda ku soo Bandhigeen heeso iyo suugaan aad u Qiiro Galisay una soo Jiidatay madaxddii ka soo Qayb Gashay iyo Shacabka,

Xafladda ayaa ah mid lagu Sagootinayo madaxweynaha soomaaliya oo asbuucii la soo dhaafay safaro Lugtaa ku marayey deegaanadda Puntland.

PuntlandVoice
Puntvoice01@gmail.com