News

Muqdisho:Mid ka mid ah baalayaasha Nalalka qoraxda ku shaqeeya oo saaka qarax miino lagu burburshay

Waxaa Saaaka qarax aad u xoogan laga maqlay nawaaxiga isbitaalka Xoogga degmada Hoddan ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo dhacay saaka aroortii hore waxaa lala eegtay mid ka mid ah baalayaasha nalalka ee ku shaqeeya qoraxda kaaso dhulka ku soo dhacay.
qarax bale

Miinada meelaha fog fog laga hago ayaa qaraxa loo adeegsaday xili horaba weerar loogu hayay baalayaashaasi habeenkii la iftiinsado.

Ma jirto khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxaasi oo lala eegtay xili socodka dadku aaad u yaraa madaama ay aheyd saaka aroortii.

Maamulka Degmada Hodan iyo Hay’adaha amaanka midkoodna kama hadlin qaraxa Saaka lagu bur buriyay baalaha nalalka qoraxda ku shaqeeya.