Muuse Geele Faroole oo dib ugu soo laabtay Boosaaso
July 27, 2011 // admin // NewsBoosaaso (AB):-Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Muuse Geele Faroole ayaa maanta ku soo laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari halkaasoo uu mudo madax ka soo ahaa.
Mas’uulkaasi hore oo Dalka Yemen ku maqnaa xiliyadaan dabe ayaa si weyn maanta loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha isagoo halkaasi ku salaamay dadkii soo dhaweeyay.
Wariyayaasha ayuu gudaha garoonka diyaaradaha ugu sheegay inuu hada yahay shaqi muwaadin Soomaaliyeed ah oo aan wax xil ah hadaka hayn dowlada Puntland balse uu diyaar u yahay inuu kala shaqeeyo wixii looga baahdo.
Muuse Geele Faroole waxaa uu si weyn u beeniyay warar soo baxay oo sheegayay in Madaxweynaha Puntland uu u yeeray sidaana uu ku yimid dalka isagoo tilmaamay inuu iskiis u yimid islamarkaana aaney jirin wararka nuucaasi oo kale ah.
‘aniga danaheyga ayaan u imid iyo dalkeyga oo aan jeclahay laakiin ma jirto cid aniga inaan dalkeyga imaado i fartay”ayuu yiri Muuse Geele Faroole oo saxaafadu wax ka weydiisay inuu diyaar u yahay hadii xil loo magacaabo
Gudoomiyihii hore ee G/bari waxaa uu nuux nuuxsaday in hadii xil loo dhiibo uu shacabkiisa u shaqeyn doono awalna xilka isaga laga qaaday isagoo aan wax dood ah ka qabanina uu ku qancay.
Boosaaso-Bari
allburtinle.com



