News

Muwadiniin Soomaaliyeed oo laga soo Daayey Xabsiyadda Liibiya oo Moqdishu soo Gaaray

Goor dhow waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ka soo degtay diyaarad siddey 13 dhallinyaro ah oo dowladda dhexe ee Federaalka ka soo deysay xabsiyo ku yaalla dalka Liibiya, waana qeybtii labaad muwaadiniin Soomaali ah oo xabsiyada Liibiya laga soo daayey.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha dhallinyaraddan oo doortay in dalkooda hooyo dib loogu soo celiyo, kaddib markii ay soo mareen dhibaatooyin badan, muddadii ay ku xirnaayeen xabsiyada Liibiya.

maxaabiistaan ayaa isugu Jira kuwo u xirnaa dawladda Liibiya iyo kuwo kale oo gacant ugu Jiray magafe kuwasoo ahaa dhalin yaro tahriibtay

Puntland Voice