Naadiga COMSED oo Ciyaar saxiibtinimo la yeeshay Naadiga Dawlada hoose ee Garowe.
December 12, 2011 // diyeeshe // SportsGaroowe (PV):- Naadiga Kubada Cagta ee COMSED ayaa Galabta Ciyaar Saxiibtinimo kula
yeeshay Naadiga Dawlad Hoose ee Garowe Garoonka kubada Cagta ee
Gaalkacyo.
Ciyaartan oo ahayd mid kor loogu qaadayo Xiriirka ka dhexeeya labada
Naadi ee COMSED iyo Naadiga Dawlada Hoose ee Garowe ayaa waxay u
dhacday si qurux badan iyadoo intii ay Ciyaartu socotay ay isugu awood
sheegteen Xirfadahooda Ciyaareed mid walbana ay ku dadaalaysay sidii
ay u muujin lahayd Ciyaar wanaag ka duwan midka ay kooxda kale la soo
baxday.
Labadana Naadi ayaa mid walba wuxuu garoonka ku soo galay rajo uu ka
qabo in uu naadiga kale dhulka dhigo kana badiyo ciyaartan, Waxayna
Kaambiyadii hore ku dhacaday iyadoo labad kooxoodba aysan wax goolal
ah dhalin.
Kaambiyadii Dambe ayay kooxuhu isku soo noqdeen sidoo kalana la soo
baxay carcar ka duwan tii hore, waxayna intii ay Ciyaartani socotay
Kooxu khasaariyeen Fursado badan oo ay goolal ku dhalin kareen.
Naadiga Kubada Cagta Gaalkacyo ee COMSED oo aan looga baran in ay
Gurigooda bareejo kula galaan Naadiyada kale mudo 8 Sana ah ayaa
galabta Ciyartan Saxiibtinimo ee ay la lahayeen Naadiga Dawlada Hoose
ee Garowe ku soo gaba-gabeeyay 0-0, iyadoo Ciyaaryahanada u ciyaarayay
labadan Kooxood ay ahaayeen kuwo matalayay Labada Gobol ee Nugaal iyo
Mudug, sidoo kalana aad mooday in ay Ciyaartoodani ahayd mid ay ku soo
bandhigayeen Khibradooda Ciyaareed ee ay uga qayb gali karaan Ciyaaro
Heer Qaran ah.
Ciyaartoyda Naadiga Comsed ayaa isku diyaarinaya in ciyaaro
saaxiibtinimo la yeeshaan kooxaha ka jira Gobollada dhexe ee Dalka,
Hiiraan, Jawhar iyo Galgaduud.
Ciyaartani waxaa goobjoog ka ahaa Maamulka Ciyaaraha ee Gobolka Mudug,
Masuuliyiinta Naadiga COMSED iyo Naadiga Dawlad Hoos ee Garowe,
Waxaana sidoo kale Ciyaartan Daawanayay Dadweyne aad u farabadan oo
xiisa gaar ah siinayay Baratanka labadan Kooxood.
Gabgabadii Ciyaaratan Waxaa hadalo kooban ka jeediyay ISla Garoonka
Kubada Cagta Gaalkacyo ee Cawaale STADIUM Masuuliyiintan oo aad ugu
dheeraaday Muhiimada ay leedahay Ciyaarta Saaxiibtinimo ee kooxaha
Gobollada.
Isku soo wada duuboo Ciyaartani waxay ka mid tahay Ciyaaraha lagu
doonayo in lagu abuuru iskuxirnaata Dhalinyarada Gobollada looga qayb
qaadanayo horumarinta Arrimaha Bulshada.
DIYAARIYE
Cumar Axmed Maxamed
cumaryare147@gmail.com
252-90-770632


