News

Nabaddoon Abukar Nabadoon Abdi Xaashi Jaamac Cadceed oo lagu caleema saaray magaalada Gaalkacyo.

Nabaddoon Abukar Nabadoon Abdi Xaashi Jaamac Cadceed oo lagu caleema saaray magaalada Gaalkacyo. Xaflad aad u heer saraysa oo lagu caleemo saarayo, nabadoonka ayaa lagu qabtay Gaalkacyo iyadoo Caleema saarka nabadoonka ay ka soo qayb Galeen isimo, iyo waxgaradka Gobolka Mudug iyagoo soo dhaweeyey nabadoonka Ilaahayna uga baryey inuu la garab galo xilka lood doortay,

waxaa caleemo saarka nabadoonka ka soo qayb galay maamulka Gobolka Mudug, gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa Nabadoonka ugu hambalyeyey xilka loo igmaday, isagoo raaciyey inuu ku soo aaday xiligii loo baahna,

Nabadoon abuukar Abdi Xaashi ayaa ka codsaday in lala shaqeeyo si shaqada culus ee loo igmaday uu u guto isagoo sheegay in loogu duceeyo in illahay xilka u fududeeyo.