Nabadoonkii Gaalkacyo lagu dhaawacay oo isbitaalka ku geeriyooday
March 31, 2011 // admin // NewsGaalkacyo (AB):-Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in isbitaalka magaaladaasi uu saaka ku geriyooday Nabadoonkii caanka ahaa ee lagu magacaabi jirey Nuur Xirsi Cusmaan kaasoo dhowr habeen ka hor kooxo hubeysan ku dhaawaceen magaalada.
Alle ha u naxariistee marxuumka ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso waqooyiga Magaaladsa Gaalkacyo gaar ahaan qabuuraha weyn ee Cirjiife waxaana ka qeyb qaadan doona aaska ehalada iyo dadka reer Gaalkacyo.
Odey dhaqameedyada iyo nabadoonada ayaa tacsi u direy ehalada marxuumka geeriyooday kaasoo labo ahbeen ka hoer kooxo hubeydan madaxa rasaas kala dheceen.
Nabadoonka dhintay oo dhaawac culus uu ka soo gaaray madaxa ayay dhaqaatiirtu isku dayeen inay dhaawiciisa wax ka qabtaan hase yeesheen laguma guuleysan oo waqtigiisii ayaa meesha ku ogaa marxuumka waxaana uu ugu danbeyn saaka ku geriyooday isbitaalka gaalkacyo.
Madaxda Dowlada Puntland gaar ahaan Magaalada gaalkacyo wali wax war ah kama soo saarin dilka loo gaystay nabadoon Nuur Xisri.
asbuucaan gudihiisa waa nabadoonkii labaad ee lagu dilo Puntland iyadoo la xasuusto in magaalada Boosaaso lagu dilay
Gaalkacyo-Mudug
allburtinle.com


