Sports

Natiijada Kulamadii shalay iyo Xalay la ciyaaray Ciyaaraha aduunka.

Waxaa shalay iyo xalay la ciyaaray 3 kulan oo ka tirsan tartanka ciyaaraha koobka Adduunka ee ka socda Dalka Koonfur Afrika.

Kulankii ugu horeeyay waxaa uu dhexmaray Xulalka Korea Republic iyo Greece waxaana uu ku soo idlaaday 2-0 oo ay guushu ku raacday Xulka Korea Republic.(Korea Republic 2 – 0 Greece)

Labada gool ee guusha waxaa Korea u kala dhaliyay J. Lee iyo J. Park waxayna saxiixeen daqiiqadihii 7aad iyo 52aad.

Kulankaani waxaa garsoore ka ahaa Michael Hester oo u dhasha Dalka New Zealand,waxaana ka soo qeybgashay daawadayaal gaaraya 31,500 qofood.

Sidoo kale Kulankii ugu adkaa waxaa uu shalay galab dhexmaray Dalalka Argentina iyo Nigeria waxaana 1-0 guushu ku raacday Dalka Argentina, (Argentina 1 – 0 Nigeria) halka gool waxa u saxiixay Argentina ciyaaryahanka lagu magacaabo G. Heinze.
Garoore waxaa ka ahaa kulankaani aadka u adkaa Wolfgang Stark oo u dhashay Dalka Germany,waxaana daawanayay ciyaarta 50,389 qofood.
Ugu danbeyn Xalay waxaa iyana kulan wada yeeshay Xulalka England iyo United States taasoo ku soo dhamaatay bar baro 1-1 ( England 1 – 1 United States) .
Xulka England waxaa goolka u saxiixay kabtankooda Gerrard halka xulka USA uu goolka barbaraha u dhaliyay ciyaaryahan C. Dempsey.
Garsoore waxaa ka ahaa Carlos Simon oo u dhashay Dalka Brazi waxaana daawanayay 44,026 qofood.
Kulamada Maanta dhici doona
Dhanka kale Maanta waxaa lagu wadaa inay kulamo wada yeeshaan ciyaarta hore 1:30 duhurnimo Algeria iyo Slovenia.
waxaa garsoore ka ah kulankaasi Pablo Pozo oo u dhashay Dalka Chile

Sidoo kale waxaa ciyaarta 2aad yeelan doona Serbia iyo Ghana waxaana garsoore ka a Hactor Baldassi oo u dhashashay Dalka Argentina

Ciyaarta cawada 9:30 waxaa sidoo kale wada yeelan doona Germany iyo Australia waxaana Garsoore ka ah Marco Rodriguez oo u dhashay Mexico.

allburtinle.com

Xafiiska Muqdisho