News

Nin Afar qof oo Qoyskiisa Ku dilay Magaaladda Moqdishu

Dil naxdin leh oo ka dhacay Muqdisho

Nin ku hubaysan qoriga AK-47 ayaa afar qof oo kamid ah qoyskiisa, oo ay kamid tahay Xaakiisa ku dilay Xaafadda ku taalla Warshadii hore ee Sifeynta Batroolka ee degmada Wadajir.

Gacan ku dhiiglaha oo magaciisa lagu sheegay Cabdiqaadir Maxamuud Caddaan ayaa toogasho ku dilay hal mar Xaaskiisa, Walaashiis iyo labo kale oo ilmo adeer ay yihiin, isagoo kadibna is-dilay.

Dadka la laayay ayaa lagu kala magacaabi jiray;

1 – Xaliimo Xuseen Cali Kowshe – Xaaskiisa

2 – Xaawo Maxamuud Caddaan – Walaashiisa

3 – Maxamed Tuur-yare – Ilmo adeer

4 – Cabdullaahi Maxamed Yalaxow – Ilmo Adeer