News

Odayaasha Dhaqanka oo Baaq Ka soo Saaray shaqaaqo dhex Madhay Labo Beelood

Shir ay isugu yimaadeen odayaasha waxgaradka iyo nabadoonada degmada Qardho qaybna uu ka ahaa maamulka Gobolka Karkaar ayaa si wada jir ah waxay baaq nabadeed ugu direen beelo walaalo ah oo dhawr jeer oo kala duwan ay dirir ay ku dhex martay bariga Gobolka karkaar gaar ahaan deegaano u dhaw degmooyinka Rako-Raaxo iyo Xumbays.

Odayaashu waxay ka hadleen dhacdooyinkii kala duwanaa ee mudooyinkii danbe soo laalaabanayay kuwaas oo badidood ay ku dhinteen dad shacab ah oo an waxba galabsan sidoo kalena ay ku dhawacmeen dad kale, waxay tusaale u soo qaateen odayaashu dhacdadii ugu danbaysay ee uu ku dhintay halka qof sidoo kalena ay ku dhawacmeen labo qof oo kale uuna ka mid ahaa Eng Maxamed Siibad oo degmada Xumbays ka waday dhisme lagu xanaanayn doono caruuraha agoomaha ah.

Odayaashu waxay cod dheer kaga codsadeen odayaasha dhaqanka beelaha ay dirirtu dhexmartayin in ay ka qayb qaataan sidii loo joojin lahaa dagaalkaas, lagana shaqeeyo amniga iyo wada noolashaha beelaha walaalaha ah ee aan sinaba u kala guuri karin, sidoo kale waxay ku baaqeen in wixii khilaaf ah lagu dhameeyo miiska korkiisa.

Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdilaahi Maxamed Barre { Caato } waxa uu ugu baaqay in beeluhu ay si wada jira ugu shaqeeyaan nabada meelna la iska dhigo khilaafka iyo wixii sii kala gayn kara dadka walaalaha ah, waxa uu sheegay in ka dawlad ahaan ay doorkooda qaadanayaan kana shaqayn doonaan sidii loo joojin lahaa dagaalka nabadana looga wadashaqayn lahaaa.