digg icon delicious icon

Prof.Ibbi oo sheegay inay jirto qorshaha isku shaandheynta Golaha Wasiirada Dowlada KMG

June 29, 2010   //     //   News

Muqdisho (AB):- Iyadoo maalmahaan danbe ay saxaafada qaar hadal hayeen inay jirto qorshe uu wado Ra’iisulwasaaraha Dowlada KMG Soomaaliya kaasoo ku aadan inuu isku shaandheyn ku sameeyo Golaha Wasiirada ayaa waxaa markii ugu horeysay arintaasi xaqiijiyay Prof.Ibbi oo ah Wasiirka Kaluumeysiga.

Prof.C/ramaan Ibbi waxaa uu carabka ku dhuftay in qorshahaasi yahay mid jira islamarkaana maalmaha soo socda ay dhici karto in Ra’iisulwasaaruhu ku dhawaaqo isku shaandheyn Wasiirada ah balse wati xadidaan ma uusan sheegin.

Sidoo kale waxaa uu xusay inay jirto in wasiirada la yareyn doono,laguna soo dari doono Wasiirada cusub xubno ka tirsan Ururka Ahlu suna kuwaasoo dhawaan magacyadooda iyo xilalkooda ay dadku maqli doonaan sida uu sheegay Ibbi.

Hadal haynta wararka la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in Wasiirada aadka ug dhow Madaxweynaha ay wayn doonaan xilalkooda sida Wasiirada Cadaalada Sh.C/raxmaan Janaqow,Wasiirka arimaha gudaha Sh.C/qaadir Cali Cumar,Wasiirka Qorsheynta Caalamiga ah C/raxmaan Cabdi Shukuur iyo kuwo kale kuwaasoo dhamaantood lagu badeli doono wasiiro ka imaanaya dhanka Ahlu suna.

allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho

Readers Comments (2)

  1. yasin tuuryo dheere says:

    aniga waxay ialatahay ina ay magacaabid xilligan ah aysa umada soomaliyeed wax dan ah ug jirin waayo kuwa soo socda ma noqon doonaan kuwo wax dhaama kuwa tagay hadda.marka rajadu aad bay uxuntahay oo waxaa lagaaray waqtigii ay umada soomaaliyeed ay sugayeen oo ahayd inay soo shaac baxdo in dawlada haatan jirta ay fashil kudhamaatay.

  2. zain jaamac says:

    mar ka hore waxaan ku bilaabayaa salaanta islaamka waxaan leeyhay wasalaamu calaykum dhamaan dadweynaha soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxaan udirayaa hambalyo 1 luuliyo markii ay qaateen xuriyada