Puntland iyo Somaliland oo Saaka mar kale ku dagaalamay Deegaanka Kalshaale
January 31, 2011 // admin // NewsKalshaale (AB):-Ciidamada maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa saaka mar kale ku dagaalamay deegaanka Karshaale ee Gobolka Ceyn waxaana labada dhinac ay is dhaafsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.
wararka saaka la helayo ayaa sheegaya in madaafiic laga maqlayo deegaanka Karshaale kaasoo ay is dhaafsanayaan labada maamula Ciidamadooda waxaana laga cabsi qabaa in dagaalku maanta sii socdo xili Karshaale maalmahaan danb e uu ka taagnaa xiisado dagaal.
Sarkaal u hadlay dhanka Puntland ayaa sheegay in maamulka somaliland ay soo weerareen deegaanka kalshaale dadka ku dhaqan sidaana uu dagaalku ku bilowday waxaana uu intaasi ku daray in iyaga 1 askari kaliya kaga dhintay islamarkaana ay kuwo kale ka dhaawacmeen halka dhanak kale ay ka dileen 8 askari.
Dagaalka oo markiisii hore ka dhexqarxay dadka deegaanka iyo ciidamada Somaliland ayaa hada la soo sheegayaa inuu isu rogay mid u dhexeeya Maamulada Soomaaliyeed ee Puntland iyo Somaliland.
Dagaalkaaani qarxay shalay galab islamarkaana saaka sii socda waxaa la sheegay inay ka danbeysay markii uu fashilmay waan waan labada dhinac laga dhex waday maalmahaan danbe.
Faahfaahinta dagaaladaani oo shalay galab soo bilowday wararkeena danbe ayaad kula socon doontaan Haddii Alle idmo.
kalshaale-Ceyn
allburtinle.com


