digg icon delicious icon

Puntland oo sheegtay inay mar kale tababar u fur doonto ciidamo badeed

November 30, 2010   //     //   News

Boosaaso (AB):-kadib markii dhawaan tababar ciidan loo soo xiray ciidamo badeed Dowlad Goboleedka Puntland loo carbiyay ayaa mar kale taliska Ciidamada Badda ee Puntland waxaa ay sheegeen inay qabanayaan tababaro kale oo nuucaasi ah.

C/risaaq Diiriye Faarax oo ah Taliyaha Ciidamada Badda ee Dowlada Puntland ayaa sheegay in dufcadlabaad oo tabababar ay u bilaabi doonaan ciidamo Badeed hoos imaanaya Maamulka Puntland kadib markii dufcadii 1aad tababar loo soo xirey shalay.

Taliyaha waxaa uu intaasi ku daray inay qorshaha ugu jirto in dufcada labad dhawaan tababar u furi doonaan kuwaasoo loogu talo galay inay qeyb ka noqdaan ciidmada ilaalada bada Puntland.

shalay ayay ahayd markii 154 askari oo ciidamada Badda ah tababar loo soo xirey islamarkaana ay munaasabadii xiritaanka ka hadleen maax sare oo ka tirsan Maamulka Puntland.

Madaxweyne Xigeenka Puntland C/samar Cali shire ayaa shalay mar uu ka hadlayay xiritaan ciidamo dhameystay tababarka waxaa uu u mahadceliyay shaqsiyaadkii iyo shirkadii gacanta ka gaysatay tababarkaasi.

allburtinle.com
Boosaaso-Bari

Readers Comments (0)